Sunday, 24 October 2021

XIKMADO AAD U QAALI AH

 

Xikmado & Murti Qaali Ah

1. Biyuhu waa waxa ugu jilicsan hadana waxay dilaaciyaan dhulka, waxayna dhaqaajiyaan dhagxaan, waxay dejin karaan Markab, tani waxay si cad kuu tusaysaa Mabda’a ah in dabacsanaan & deganaan aad kaga guuleysan karto wax aad u adag

2. Saburku ma aha ilaa waqtiga aad sugi karto, balse waa sida wanaagsan aad u dhaqmi karto inta aad sugeyso. Marnaba ha is oran way kaa daaheen wixi aad sugaysay ama weligaa ma helaysid.

3. Wax wanaagsan ayaa u muuqan kara xumaan hadii dhanka mugdiga ah ka eegto, wax xun ayaa u muuqan kara wax wanaagsan haddii aad ka eegto dhanka iftiinka ah. Sida dadku wax u arko ama u cabiro ayaa kala duwan

4. Ha ka caajisin hana is dhiibin, halganka aad Maanta ku jirto, wuxuu kuu diyaarinayaa Awooda aad Beri u baahan tahay. Dhib kasta oo ku soo martay waxay fursad u ahayd koritaankaaga qofnimo

5. Marnaba ha nicin dad kaa maseyrsan ama ku ximiya, xushmee maseyrkooda. Waa dad u arka in aad ka wanaagsan tahay

6. Qofna intuu Qabrigaaga soo istaago ma oranayo “Wuxuu wadan jiray Mobilo qaali ah, Waxay lahayd Sawiro qurux badan, Wuxuu lahaa Guri weyn, Waxay kaxeysan jirtay Gaari sare” laakiin inta God yar lagu geliyo ayaa lagaa soo dhaqaaqayaa, keliya waxaa ku raacaya Camalkaagi Aduun

7. Dad qaarkii waxa ay la yaabaan ama is weydiiyaan sababta dhibaatada ugu soo noq-noqoneyso, ma oga in Imtixaanka iyo casharada la soo cel-celiyo ilaa qofku wax ka barto ama wax ku qaato

8. Qof Maskiin ah ama baahan haddii uu wax ku weydiisto ha ka bakheylin, sii wax kasta aad awoodo. Ogow sabab baad ku kulanteen adiga ayaana laguugu eegayaa in Wixi Alle ku siiyay aad wax ka bixiso iyo in lagaa soo celiyo ama Barakada laga qaado

9. Yeelo Saaxiib iyo Asxaab laakiin Ha hilmaamin Dadki Aduunkan ku keenay oo ku soo saaray, Xusuusnow in ay ku sugayso in aad Dad koriso, tababarto, heerna gaarsiiso, Xiriiri qaraabada, Xaq-dhawr Deriska, Xushmee dadka

10. Haddii ukunta banaanka laga jebiyo, nolosheedi waa dhamaataa. Haddii laga jebiyo gudaha noloshi waa u bilaabataa oo digaagad yar baa dhalata. Noloshaada & wax kastoo sareeya waxay ka bilowdaan gudaha, marnaba ha sugin wax banaanka kaaga yimaada in ay ku bedelaan ama farxad kuu keenaan

Waxaan   rijaynaa in ay  idin  anfacaan

Tuesday, 24 November 2020

Mahmaah sedaxlay ah 2aad

 

Saddex Weeye Guurku:
B) Badhi badhi ku dhufo.
T) Badhi dab ku dhufo.
J) Dab dab ku dhufo.
#Somali #Maahmaah

Saddex Lama Arrag:
B) Badhi Ciyi ah
T) Bellaayo laba qadah.
J) Bakayle Tallaabsanaya.
#Somali #Maahmaah

Saddex Laguma Gallo:
B) Barqin aan caanno
lahayn.
T) Billad aan boqor lahayn.
J) Banaan farras lahayn.
#Somali #Maahmaah

Saddex Derriskaa Kugu Neceb:
B) Been baddan.
T) Baryo baddan.
J) Bukaan baddan.
#Somali #Maahmaah

Saddex Waa la Isku Naca:
B) Baryo baddan.
T) Baahi badan.
J) Bukaan badan.
#Somali #Maahmaah

Saddex Lallama Heshiiyo:
B) Taxde Waddaad ah.
T) Talliye Jiite ah.
J) Turqato Naageed.
#Somali #Maahmaah

Saddex Baa Dumar lagu Qabay:
B) Xil-kasnimo.
T) Xog ogaal.
J) Xan La’aan.
#Somali #Maahmaah

Saddex Baase Baddellay:
B) Xilma saarna.
T) Xaal ma qabto.
J) Xerro ma leh.
#Somali #Maahmaah

Saddex Kuma Daryeesho:
B) Dumaal haween.
T) Doqon sokeeye.
J) Dal shisheeye.
#Somali #Maahmaah

Saddex Lagama Xishoodo:
B) Dantaada raac.
T) Dirrir caddaawe.
J) Deeq lagu siiyo.
#Somali #Maahmaah

Saddex Dumar Ha Laga hello:
B) Dawliid qurxoon
ha laga hello.
T) Dabeecad fiican
howudhallato.
J) Dad aqoon leh ha
noqoto. #Somali #Maahmaah
=
Saddex Lamma Dego:
B) Doqon fiiro taqaan.
T) Fulley daandaansi yaqaan.
J) Bakheyl damac badan.
#Somali #Maahmaah

Saddex Berriga ayaa laga Hellaa:
B) Beer.
T) Belled.
J) Baabuur.
#Somali #Maahmaah

Doqontu Waa Saddex:
B) Duufley.
T) Darreenley.
J) Dirashallay.
#Somali #Maahmaah

Saddex uu Hoggaamiyuhu u baahan yahay:
B) Caqli.
T) Maal.
J) Samir.
#Somali #Maahmaah

Saddex Lallama saaxiibo:
B) Run ma yaqaane.
T) Rabbi ma yaqaane.
J) Rag ma yaqaane.
#Somali #Maahmaah
==

Saddex baa Rag ugu Liita:
B) Ma Toshe.
T) Ma Tashiishe.
J) Ma Tashadde.
#Somali #Maahmaah

Saddex Lama Raaco:
B) Ma horreeye.
T) Ma dambeeye.
J) Ma haasaawe.
#Somali #Maahmaah

Saddex Dumar baa ugu Wanaagsan:
B) Mid kaa toostay.
T) Mid kulla toostay.
J) Mid kuu toostay.
#Somali #Maahmaah

Saddex Baa Rag Ugu Daran:
B) Ma dhigte.
T) Ma dhaqde.
J) Ma dhaggeyste.
#Somali #Maahmaah

Sadddex Badda lagga Hellaa:
B) Markab.
T) Doon.
J) Kalluun.
#Somali #Maahmaah

Saddex Raggu waa ka Simman yahay:
B) Maggaca.
T) Magta.
J) Muuqa.
#Somali #Maahmaah

Saddex Baa Ba’ay:
B) Malle ba’ay.
T) Maggac ba’ay.
J) Maal ba’ay.
#Somali #Maahmaah

Saddex Illaahow Addaa Awood u leh:
B) Guursan maayee
yaanan goblamin.
T) Xoogsan maayee xoollo isii.
J) Camal falli maayee caddaabta ha igeyn.

Saddex Ma Dhaqmaan:
B) Geel aan qawsaar lahayn.
T) Qabiil aan
maddax lahayn.
J) Adhi aan qawmiirte lahayn.
#Somali #Maahmaah

Saddex Baa Raggu Ugu Wannaagsan Yahay:
B) Nin tolkii u naccas ah.
T) Nin shisheeyaha u naccas ah.
J) Nin reerkiisa u naag ah.
#Somali #Maahmaah

Saddex Baa Rag ugu Darran:
B) Nin maqan oon la tebin.
T) Nin jooga oon la tirsan.
J) Nin tagaya oon la cellin.
#Somali #Maahmaah

Saddex–Saddex Lamma Heshiiyaan:
B) Nin quudh Jeccel iyo Nimaan u quudhin.
T) Nin qab-weyn iyo Nimaan uba qa-qabin.
J) Nin qosol baddan iyo Nin quusi maad baddan.

Saddex Way ku Hoddaa:
B) Gardarro garrab og.
T) Gaajo gurri og.
J) Gabow geeri og.
#Somali #Maahmaah

Saddex Baa Boqornimada Kaa Qaadda:
B) Gar weecsan /Gar eexo.
T) Gacan gudhan.
J) Guddoon jillicsan.
#Somali #Maahmaah

Saddex Baase Suldaan Siisa:
B) Gar toosan.
T) Gaccan furan.
J) Guddoon addag.
#Somali #Maahmaah

Laba Way Ku Daba Socdaan:
B) Geeri. T) Gabow.
#Somali #Maahmaah

Saddex Midna Faa’iido Ma Leh:
B) Fidhiqle rag.
T) Fudeeyd haween.
J) Fadhiya geel.
#Somali #Maahmaah

Saddex baa Rag Kaa Rimin Jirray:
B) Wax jooga ka haddalkii.
T) Wax teggay ka hadhidii.
J) Wax soo socda ka
halloosigii.
#Somali #Maahmaah

Saddex Aya Raga lagu Barta:
B) Sooryo ma wada cunteen?
T) Safar ma wada gasheen?
J) Meel ma wada seexateen?
#Somali #Maahmaah

Cabdi raxmaan gaaboow



Monday, 23 November 2020

Cabdi raxmaan gaaboow: MAANSO SEDAX LAY AH

Cabdi raxmaan gaaboow: MAANSO SEDAX LAY AH:   Mah maah sedax leey ab Saddex baa rag u wanaagsan Nin tolkii u nacasa Shisheeyana u nacaba Reerkiisana u naaga 1. Saddex saddex kama dhere...

MAANSO SEDAX LAY AH

 


Mah maah sedax leey ab

Saddex baa rag u wanaagsan
Nin tolkii u nacasa
Shisheeyana u nacaba
Reerkiisana u naaga

1. Saddex saddex kama dheregto
Ili daymo kama dheregto
Dhulna biyo kama dhergo
Dhegina war kama dheregto

2. Saddex saddex lama heshiiso
Nin qosol badan iyo nin qoosimaad badan
Nin quud jecel iyo aan quudhin
Nin qab weyn iyo nin aan u qabin

3. Saddex dumar laguma qabo
Gasiin xumo
Gogol xumo
Galmo xumo

4. Saddex saddex bay ka tagtaa
Roobku rays buu ka tagaa
Raggu rayi buu ka tagaa
Raaliyo haweena raas bay ka tagtaa

5. Saddex weligaa lama raaco
Rag kaa faqay
Rafiiqnimaad tihiin oo ku qadshay
Rag talo kaa reebay

6. Saddex naagtaada kugu nacda
Hambo la’aan
Hammo la’aan
Hammi la’aan

7. Saddex buu raggu is-dheer yahay
Garashada waxa soo socda
Wax ka qabashada waxa jooga
Ka samrida wax tegay

8. Saddex raggu wuu ku cimri deg degaa
Gogol xumo
Gasiin xumo
Carrab kulul

9. Saddex dadkaa kugu naca
Xishood la’aan
Xilo la’aan
Xoolo la’aan
1. Saddex tolkaabaa kugu naca
Hiil la’aan
Hoo la’aan
Hoy la’aan
1. Saddex saddex b aa lagu kabaa
Aqalka oo kaa yar ardaa baa lagu kabaa
Aqoontanda oo yar aamus baa lagu kabaa
Aduunkaaga oo yar iimaan baa lagu kabaa
2. Saddex saddex baa lagu cadeeyaa
Hadal run baa lagu cadeeyaa
Ilko caday baa lagu cadeeyaa
Mindi saawin baa lagu cadeeyaa
3. Saddex waa loo gudaa
Gabadh waa loo gudaa
Geedi waa loo gudaa
Ciyaar waa loo gudaa
4. Saddex saddex looma tilmaamo
Culimo cad looma tilmaamo
Carmal guur looma tilmaamo
Carrab lo’aad caws looma tilmaamo
5. Saddex waa la raacaa
Nin kaa caqli badan
Nin kaa cilmi badan
Nin kaa cuud badan
6. Saddex saddex lagama daayo
Rag shir lagama daayo
Dumar sheeko lagama daayo
Xoolana hees lagama daayo
7. Saddex waad ku degtaa
Guri barwaaqo
Gaari naageed
Gar cadaaladeed
8. Taajirimada waa saddex
Cuud ku taajir
Caqli ku taajir
Cilmi ku taajir
9. Saddex ma nabadgasho
Nin madax la saaxiibay
Nin sun la waraabshay
Nin sirtiisa haween u sheegay
1. Dumarku waa saddex
Naag gogol wacan
Naag gasiin wacan
Naag galmo wacan
1. Saddex lama badsado
Fadhi xidid
Soor fagaar
Ficil sokeeye
2. Saddex baa hourumar lagu gaadhaa
Hadal yar
Hawl badan
Hogaan wanaagsan
3. Saddex baa dib u gocosho leh
Gabadh gayaankeed ku gacan saydhay
Gallad aad baran weyday
Garaad garasho waayey
4. Saddex baa suldaanka laga eegaa
Garta
Guntiga
Gacanta
5. Saddex dumarku way neceb yihiin
Aamuska
Kelinimada
La xisaabtanka
6. Saddex bay naagi kugu dishaa
Dhal la’aan
Dhaqaale xumo
Dhego adayg
7. Saddex naag la’aantaa leh
Socadkaaga oo aan la ogaan
Sahay-daadoon kugu fillnaan
8. Saddex nin midna lalama haasaawe tago
Nin kaa qurux badan
Nin kaa hadal badan
Nin kaa dheereeya
9. Saddex waa lagu jabaa
Jaar xun
Jikaar waalid
Jacayl aan lagula ogeyn
1. Saddex ayaa dumarka ugu fiican
Hambo kugu celis
Hadal kaa maqla
Hanta kuu dhaqa
1. Saddex daacad ha-moodin
Dagaal ooge qabiil
Deeq shisheeye
Dumar dhoola cadayntood
2. Saddex tiiraanyo ayey kugu reebtaa
Tol aan is-maqlayn nin xukumay
Taf aan dhalayn nin qaba
Tiro adhi ah oo aan nin daajin
3. Saddex reer ma tarmaan
Reer habaar waalid qaba
Reer dhiig qarsoon qaba
Reer timo dheer u taliso
4. Saddex dumarku kuma wanaagsana
Fudayd
Feejig la’aan
Fadhi weyni
5. Saddex daymo badanaa
Nin walaashii doqon tahay
Nin dameer safar u diray
Nin yar oo dakano galay
6. Saddex ilaahay baa laga magan gala
Guluf dagaal oon tol badan lahayn
Gabadh aan xishood lahayn
Geeri aan ubad lahayn
Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.
B.A in Journalis

Thursday, 11 October 2018

Ogaysiiss

insha, allahu malamaha soo Aadan waxaan sitoos ah usoo gelidoonaa website kaygaa.  Casharadaydii aan rabay in aan la wadaago bulshada sida aad idin kugu faah faahindoono qoraalka soo socda insha, allhallhallhallh
1: c- program yada talphon androidka
2:c- application nada kaqarsoon dadka intooda kale
3- cashiro diini ah
                Wxm 
                Magadsanidiin
                Sxbyaal
               Soodhowaada
Magacayga waa: : Abdi Rahman mohamed issue
Oo ku magac dheer: : SAMNAAN, S programs MhDsNdN


XIKMADO AAD U QAALI AH

  Xikmado & Murti Qaali Ah 1. Biyuhu waa waxa ugu jilicsan hadana waxay dilaaciyaan dhulka, waxayna dhaqaajiyaan dhagxaan, waxay dejin k...